U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyay Jowhar

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo ballaaran ay ka sameeyeen xaafado kamid ah degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Howlgalladaan oo la sameeyay xalay iyo saakay ayaa ka dambeeyay kadib markii Bam lagu tuuray hoy ay dad shacab ah deganaayeen oo ku yaalla magaaladaasi.

Hal qof oo kamid ah dadkii deganaa gurigaasi ayaa la xaqiijiyey iney dhaawacmeen, waxaana qaraxa kadib ay ciidamada ammaanka ee ka dhowaa halkaasi kor u rideen rasaas xooggan.

Howlgalkan ay sameeyeen ciidamada dowladda ayaa ahaa mid lagu baadigoobayey dadkii ka dambeeyay qaraxan Bam, hase ahaatee lama sheegin cid lagu soo qabtay.

Taliska ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda ee degmada Jowhar faah faahin kama aanay bixin howlgalladan.

Falalka amni darro ayaa mararka qaar sidan uga dhaca degmada Jowhar ee Shabellaha Dhexe, waxaana degmadaasi kusoo noqnoqday qaraxyada Bam ee sidan oo kale ah.

Goobjoog News