Wararka ka imaanaya deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay saakay oo Axad ah howlgallo amni ka wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa mid mid u galaya dhammaan guryaha ku yaalla deegaankan, waxaana la sheegay iney raadinayaan dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladan ayaa Goobjoog News u sheegay in amniga ay xaqiijinayaan, balse waa ay ka gaabsadeen haddii ay jiraan dad howlgalkaan lagu soo qabtay.
Ciidamada dowladda ayaa shalay waxay deegaankan kala wareegeen dagaalyahannada Al-shabaab, iyadoo xaaladuna tahay mid deggan.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News