Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Deegaanno Ku Dhow Balcad

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay howlgallo ballaaran ka wadaan deegaanno ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa warbaahinta u sheegay inay ku raad joogaan dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo shalay la wareegay deegaanno hoos taga degmada Balcad oo ay weerar kusoo qaadeen.

Lama sheegin howlgalka cid ay ciidamadu ku soo qabteen, hase ahaatee waxaa degmada Balcad saakay ilaa iyo xalay gaarayey ciidamo badan oo Xoogga Dalka ka tirsan.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa Jimcihii shalay waxay weerar ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxayna daqiiqado badan haysteen xaafado kamid ah degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW