U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Kula Wareegay Deeggano Ka Tirsan Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Ciidamada xoogga dalka ayaa la wareegay deegaanno ka tirsan gobalka Baay, kuwaas oo horay ay ugu sugnaayeen xubna ka tirsan ururka al-shabaab.

Howlgallo qorsheysan oo ciidamada xoogga ay ka sameeyeen deeganada Buulla -Fulaay Iidaalle Raama Cadooy iyo degaanka Moodo-Moodo, waxa ay kala wareegeen xubnaha al-shabaab oo ku sugnaa deegaanadaas.

Ciidamada xoogga ururka 40-aad guutada 8-aad qaybta 60-aad ee oo howlgalka fuliyay ayaa sheegay in ay deegaanadaas ay ka saareen xubnihii ka tirsanaa shabaab ee ku sugnaa.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah ururka al-shabaab.

Inta badan gobalada dalka ayaa waxaa ciidamada dowladda ay ka fuliyaan howlgallo qorsheysan oo ay ku xaqiijinayaan amniga guud ee dalka.

Goobjoog News