U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo saaka howl-galo ka wada degmada Huriwaa

Sheeko:War

Ciidamada amaanka dowladda ayaa saaka degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ka wado howl galo kadib markii shalay lagu dilay  Taliye ku xigeenkii Nabadsugida degmadaasi Axmed C/raxmaan.

Sida uu sheegay mid ka mid ah dadka degmada, ciidamada ayaa baaritaano  ka wada agagaarka Is-goyaka SOS, Ex Kontorool Balcad iyo halka loo yaqaano Biyo dega, iyadoo aan weli la soo sheegin cid loo soo qabtay falka lagu dilay sarkaalka ka tirsanaa ciidamada dowladda.

“Saaka waxay howl galo ka soconayaan xaafadaha SOS, nawaaxiga Suuqa Xoolaha iyo Biya degeenka marka laga yimaado dhanka  Hotel Ramadaan.              SHalay ayaa qarax laga geystay  meel ku dhow Biyo dega”ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Ka sokoow ol-olaha hub ka dhigista ee dowladdu ku dhawaaqday  ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay howl galada lagu sugayay amaanka caasimadda, iyadoo dad fara badan oo la tuhmayo in ay qayb ku leeyihiin amaan darida  gacanta lagu soo dhigay.