U bood dhigaalka

Ciidamada Galmudug Oo Mishaar La’aan Ka Cabanaya

Sheeko:Dalka

Col. Cabdullaahi Nuur oo ka mid ah saraakiisha ciidamada millatariga maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada millatariga maamulka Galmudug aysan heysan wax mushaar ah, taasi oo uu sheegay inay keeni karto niyad jab ku yimaada ciidamada.

Taliye Nuur ayaa waxa uu baaq u diray madaxda maamulka Galmudug isagoo ugu baaqay in arrintaan si degdeg ah wax looga qabto.

Col. Cabdullaahi oo arrintaasi ka hadlayo waxa uu yiri“Ciidanka waa ciidan sharaf leh wax xuquuqna ma qaataan,waxaan leeyahay arrintaas ha badaleen dadka waddanka u dhashay,ciidamada waddanka u dhashay oo difaaca qaranka ha siiyeen xuquuqdooda”.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan waxa aysan bixin xaquuqaadka ay kuleeyihiin dadka u shaqeeya dowladda, gaar ahaan iyagoo waliba aan wax mushaar ah aan la siinin ciidmada dowladda Soomaali arrintaasi oo keentay in ciidamada ay kula dhaqaaqaan dadka shacabka ah dhac iyo boob.

Cabashada ka soo yeertay ciidamada millatriga maamulka galmudug ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli maanta ay ku beegantahay xusunka ciidamada millatriga Soomaaliya oo sanad walba maanta oo kale loo dabaal dago.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabddullaahi Farmaajo ayaa horay u ballan qaadan in qeybaha kala duwan ee dowladda la siin doono xaquuqaadka ay ku leeyihiin dowladda oo ay ugu horreyso bixinta mushaaraadka ciidamada.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada