U bood dhigaalka

Ciidamada Hubeysan Oo Laga Mamnuucay Iney Galaan Garoonka Diyaaradaha Ee Boosaaso

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee Puntland ayaa soo saarey ammar lagu mamnuucayo hubka lala galo garoonka diyaarahada ee magaalada Boosaaso.

Taliyaha ciidanka Puntland  Cabdulqaadir Faarax Shire oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin mas’uuliyiinta hubka la gasha garoonkaasi.

Wuxuu tilmaamay in kaliya hubka loo ogolyahay iney garoonka la galaan Madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

“Waxaa la isku qabsaday mas’uuliyiin hub la galay garoonka, waxaan halkaan ka sheegayaa in aan hub lala geli karin garoonka, kaliya waxaa loo ogolyahay in hub ay la galaan ilaalada madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka, waxaan maqlayey maalin hore ciidamo gaar ah oo Puntland kamid ah iney toos ula galeen gaadiidkooda dagaalka, waxaasna ma jiri doonaan” ayuu yiri Taliyaha.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo badaneyey mas’uuliyiinta Puntland ee ciidamada ilaalada la galayey garoonka Boosaaso, iyadoo marar badan ay arrintaasi isku dhac ka timid.

Goobjoog News