U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Jaray Isgaarsiinta Deegaanno Kamid Ah Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Itoobiya ayaa jaray Isgaarsiinta degaanno ka tirsan gobolka Gedo iyagoo halkaas ka wada howlgallo.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa saaka iyagoo ku socda  lugta iyo gaadiid dagaal ku baxay degaan la yiraahdo Xabaal Beel oo 25 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baardheere.

Isgaarsiintii degmada Baardheere iyo degaanno kale oo gobolka Gedo ka tirsan ayaa hawada ka maqan, waxaana soconaya howlgallada ay wadaan ciidamadan.

Xabaal Beel ayaa warar la helay waxay sheegayaan inay saacadihii la soo dhaafay buux dhaafiyeen dagaalyahanno hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan, waxaana tuuladaasi ay xiriirisaa degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor oo ka kala tirsan gobollada Gedo iyo Baay.

Waa ay adag tahay in la helo saraakiisha dowladda ee howlgalkan qeybta ka ah, maadaama isgaarsiintu go’an tahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News