U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ka Wada J/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay howlgal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab ka wadaan deegaanno kamid ah gobolka Jubada Hoose.

Howlgalkaan oo socdayu 48-kii saac ee lasoo dhaafay ayeey ciidamadu waxay ku faafeen deegaanno dhowr ah, kuna dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland, kana gaabsaday magacooda inaan adeegsanno ayaa u sheegay Goobjoog News, intii uu howlgalka socday ay gacanta ku dhigeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in deegaannada qaar ay ciidankaan iska caabin kala kulmeen dagaalyahannada Al-shabaab, lamana oga khasaaraha ka dhashay.

Maamulka Jubbaland ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab kadib markii maalin kahor qarax uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News