U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Oo Howlgallo Ka Wada Degmada B/xaawo Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ka wadaan ciidamada maamulka Jubbaland.

Howlgalkaan ayaa daba socda dagaal shalay gabal dhacii ku dhexmaray degmadaasi ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

Dadka deegaanka Qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeeyn in ciidamada ay ku baxeen deegaannada ku dhow degmada B/xaawo, kadib markii ay soo bateen dagaallada Al-shabaab kusoo qaadayaan degmadaasi.

Ciidamada Jubbaland waxaa howlgalkaan ku wehlinaya kuwa Kenya ee ka tirsan howlgalka AMISOM.

Ciidamada Al-shabaab ayaa tiro ka badan Seddex waxay weerar ku qaadeen degmada B/xaawo ee Gedo, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News