U bood dhigaalka

Ciidamada K/galbeed Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Baay

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka K/galbeed iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa ku bilowday sida la sheegay kadib markii qarax dhulka lagu aasay lala eegtay gaadiid dagaal oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Baay.

Inta la xaqiijiyey 1 qof ayaa ku dhintey dagaalkan, waxaana ku dhaawacmay Labo kale, balse maamulka Goofgaduud waxa uu sheegay inaanu waxyeello geysan qaraxii Miinada ee dagaalkasi ku bilowday.

Siidow Cali Siidow, Guddoomiyaha Goofgaduud Buurey oo wareysi siiyey Goobjoog News, wuxuu sheegay in ciidanka K/galbeed ay iska caabiyeen weerarkaasi, xaaladda deegaankana ay tahay mid deggan.

“Nimankii nabad diidka ahaa ayaa weerar ku qaaday kolonyo aan la socnney, kadib waxaa xigay dagaal, balse ciidamada waa ay iska caabiyeen, dhankoodana khasaare ayaa soo gaaray” ayuu yiri guddoomiyaha.

Al-shabaab ayaa mararka qaar sidan oo kale waxay weeraro uga geysteen deegaanno kamid ah gobolka Baay.

Goobjoog News