U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Dad Tahriibayey

Sheeko:Dalka

Ciidanka badda ee maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay dad ay sheegeen inay doonayeen in ay ka tahriibaan xeebaha maamulkaasi uu ka taliyo.

Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo ah taliyaha ciidanka Badda Puntland ayaa sheegay in ay ka war heleen dad la doonayey in laga dhoofiyo xeebta Ceelaayo oo qiyaastii 30 Km u jirta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Ciidanka ayuu sheegay inay ku baxeen deegaankaasi islamarkaana ay soo qabteen 32 ka mid ah dadkii la tahriibinayey oo markii hore gaarayay 300 qof oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwii kalena ay baxsadeen.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay qabteen taliyahii ciidanka Booliiska deegaanka Ceelaayo kadib markii uu ka madax adeegay in ciidanka Badda uu howlgalkaasi ka taageero, sidoo kalena rasaas uu kala hortagay ciidankii amniga waa sida uu hadalka dhigaye.

“Waxaan qabannay Seddax doon oo la doonaye in dadka tahriib ahaan loogu geeyo Yemen, dadka Tahriibka waxay ahaayeen 300 qof waxaan ka qabannay 32 ruux, sidoo kale waxaan qabannay 14 uu ku jiro taliyahii saldhigga Booliiska Ceelaayo sababtoo ah waxa uu diidday in uu la shaqeeyo ciidanka badda ee howlgalkaasi fulinayey, sidoo kalena wuxuu ka dambeeyay rasaasta ciidankeena lagala horyimid, waxaana la haynaa 4 qori” ayuu yiri Taliyaha.

Ciidanka Badda Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay wadeen howlgallo ay kula dagaallamayaan tahriibayaasha iyo dadka wax tahriibiya.

Goobjoog News