U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Lala Xiriirinayo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Ciidamada Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen buuraha Calmadow, waxay kusoo qabteen rag ay sheegeen iney ka tirsan yihiin Xaarkada Al-shabaab.

Howlgalkaan oo ahaa mid si saf ballaaran ah ku socday ayeey ciidamada Puntland waxay ka sameeyeen deegaanno ku teedsan deegaanka Af-urur, waxaana jirey iska caabin ay kala kulmeen dagaalyahanno Al-shabaab ah.

Saraakiil u hadashay ciidanka amniga ee Puntland ayaa xaqiijiyey iney soo qabteen 5 qof oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo baaritaanno lagu sameyn doono.

Waxay sidoo kale saraakiishan sheegeen in  ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan dhulalka buuraha leh ee Sanaag.

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkaan dambe waxay wadeen howlgallo ay ku baacsanayaan dagaalyahannada Al-shabaab.

Goobjoog News

22853012_285733665254379_7204990723882581908_n 22814111_285733651921047_6178838615412653079_n 22813947_285733655254380_5407495453348161351_n-1