U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgal Ka Sameeyay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in maanta howlgallo ballaaran ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamada ayaa la xaqiijiyey iney gur guri u galeen xaafadaha ku yaalla magaaladan, iyadoo ay jirto dad lagu soo qabtay howlgalkan.

Saraakiisha howlgalkaan hoggaamineysa oo ka gaabsaday iney faah faahiyaan dadka ay kusoo qabteen, ayaa dhanka kale sheegay in ulajeedkoodu yahay in amniga Boosaaso la xaqiijiyo.

Dhanka kale goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ciidamada ay dadku wareysanayeen, islamarkaana qofkii ay ka shakiyaan weydiinayeen cidda taqaanna, hadii la waayana lagu darayey dadka la qabanayo si loo baaro.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News