U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Sameeyay Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Puntland ayaa habeenkii xalay ahaa waxay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Howlgalkaan ayaa daba socday dilal iyo weeraro 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay waqooyiga magaaladaasi.

Saraakiisha amniga Puntland ee Gaalkacyo ayaa sheegay iney howlgalkaan kusoo qabteen rag ay sheegeen in falal amni darro ay ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

Ma jirto tiro rasmi ah oo la sheegay in howlgalkaan lagu qabtay, hase ahaatee waqooyiga Gaalkacyo ayaa ka dhacay falal amni darro oo u badan dilal qorsheysan.

Xaaladda guud ee magaalada Gaalkacyo waa mid deggan, hase ahaatee howlgalka ayaa inta uu socday wuxuu saameeyay dad badan.

Goobjoog News