U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Wada Magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso, saakay oo Arbaco ah waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay halkaasi ka wadaan howlgal ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Howlgalkaan oo daba socda qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay saldhigga dhexe ee Boosaaso ayaa la sheegayaa in ciidanku ay dad badan ku qabteen.

Ciidamada ayaa ku faafay xaafadaha qaar e Boosaaso, waxaana ay soo qabteen rag lagu tuhmayo in amni darada ay wax ka maleegayaan.

Lama sheegin tirada rasmi ah ee dadka lagu qabtay howlgalkaan, hase ahaatee saraakiil u hadashay Booliiska Boosaaso ayaa sheegay in dib ay ka faah faahin doonaan.

Qarax uu ku ku dhintey qofkii isku soo xiray ayaa shalay ka dhex dhacay saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso, iyadoo aan laso werin cid kale oo halkaasi waxyeello kusoo gaartay.

Goobjoog News