U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan Jubbaland Iyo AMISOM Oo Qaraxyo Lagula Eegtay Duleedka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxyo Miino oo lala eegtay ciidamo ka kala tirsan Jubbaland iyo AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya, kuwaa oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Kolonyo ay la socdeen ciidamadan ayaa ka baxay magaalada Kismaayo si ay sahay  u gaarsiiyaan ciidamo  kale oo ku sugan Buulo-gaduud, hase ahaatee Labo qarax ayaa lala eegtay.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxyadan ayaa hadana wararku waxay sheegayaan in ciidamadan ay sidoo kale la socdeen Askar Maraykan ah.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in qaraxyada kadib ay maqleen rasaas kor u dhaceysa, waxaana xigay howlgal ay sameeyeen ciidamadii qaraxa lala eegtay.

Ma jirto faah faahin intaan ka badan oo laga helayo qaraxyadan, hase ahaatee Al-shabaabka ku sugan Jubada Hoose ayaa marar badan sidan oo kale qaraxyo ula eegtay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.

Goobjoog News