U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Jowhar, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu ku bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar lama filaan ah kusoo qaadeen Koontarool laga soo galo degmadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Hal askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, iyadoo mid kalena dhaawac uu soo gaaray.

Dhanka Al-shabaab lama oga khasaaraha kasoo gaaray dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Jowhar.

Xaaladda guud ee magaalada Jowhar ayaa saakay ah mid deggan, iyadoo dhanka dowladda aanay war ka bixin dagaalkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News