U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda Oo Faarujiyey Deegaan Ay Shalay Ka Qabsadeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Xoogga Dalka ayaa dib isaga soo baxay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay shalay kala wareegeen Al-shabaab.

Dadka ku sugan Gamboole qaarkood oo aan xiriir la samaynay waxay xaqiijiyeen in ciidanka dowladda ay dib uga baxeen deegaankan oo shalay ilaa iyo xalay ay ku sugnaayeen.

Dagaalyahannada Al-shabaab oo ku sugnaa duleedka deegaankaasi ayaa dib u qabsaday Gamboole sida ay soo sheegayaan wariyeyaasheenna.

Weli saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka iyo maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe faahfaahin kama aanay bixin arrintaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena  kale Inshaa Allah.

Goobjoog News