Ciidanka Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Jowhar

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad sugidda iyo Booliiska ayaa howlgallo waxay ka wadaan xaafado ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta Shabellaha Dhexe.

Howlgalkaan ayaa daba socdka kadib markii ay ciidankaan fashiliyeen miino lagu xiray gaari uu lahaa mas’uul ka tirsan dowladda hoose ee Jowhar, kadibna meel bannaan ah ku qarxiyey.

Howlagalkaan ayaa hadda waxa uu si gaar ah uga soconayaa xaafadda Hanti-wadaag ee Jowhar, iyadoo qeybaha ay ka kooban tahay xaafaddan ay ciidamada isku gadaameen.

Ma jirto wax isku socod ah oo ka jira xaafadda uu howlgalkaan ka soconayo.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan weli ma aanay xaqiijin haddii ay jirto cid lagu soo qabtay howlgalkaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News