U bood dhigaalka

Ciidanka Galmudug Oo Qaaday Isbaarooyin La Soo Dhigay Inta U Dhaxeysa Cadaado Iyo Gallin-soor

Sheeko:Dalka

Ciidamada Nabad-sugidda Nisa oo gacan ka helaya Booliska Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa ku guuleystay in ay qaadaan isbaarooyin si sharci darro ah loo soo dhigay deegaanno ka tirsan Galmudug.

Taliyaha qeybta Nisa ee Galmudug Cali Cilmi Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay ku guuleysteen soo afjaridda isbaarooyinkii yaalay wadada waxa uuna yiri.

“Ciidamada maalmihii ugu dambeeyay waxa ay  howlgallo ka wadeen Cadaado, isbaarooyinkii yaalay laamiga dhammaan waa lana diifiyey, ciidamada waxa ay ku guuleysteen in amniga ay gacanta ku soo celiyaan, laamiga qofkii isbaaro soo dhigta dadka deegaanka iyo Galmudug horay ayaa looga ballamay”.

Dhowaan ayey aheyd markii ay Goobjoog News ay baahisay cabashada gaadiidleyda is kaga gudba gobollada dhexe, kuwaasi oo ka cabanayey isbaarooyinka la soo dhigay inta u dhaxeysa Gallin-soor iyo Cadaado waxaana looga qaadi jiray lacago sharci darro ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada