U bood dhigaalka

Puntland Oo Qabatay Khamri Iyo Raggii Watay

Sheeko:Dalka

Ciidamada booliska maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku soo bandhigay Khamri ay sheegeen inay ka soo qabteen gudaha magaaladaasi.

Howlgallo ciidanka Puntland ay ka sameeyeen gudaha xaafadaha Garoowe ayaa lagu soo qabtay Khamrigani oo saxaafadda loo soo bandhigay.

12 kartoon oo khamri ah iyo shan nin oo wadatay ayaa la soo qabtay.

Ciidanku waxay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen rag ay ku sheegeen inay ka ganacsanayeen khamriga oo Garoowe ku iibinayeen.

Taliyaha booliska qeybta gobolka Nugaal Cabdirashiid Maxamuud Awxuseen(Xinjara-dhuuq) ayaa sheegay in ciidanku ay ku guuleysteen howlgalka gaarka ah oo ay ka sameeyeen Garoowe kuna soo qabteen Khamriga iyo dadkii watay.

Waxaa sidoo kale howlgalkani ciidanku ay ku qabteen hub ah kuwa fudud iyo hal bastoolad.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland Cumar Faraweyne oo hadlay ayaa sheegay in ciidanku ay had iyo jeer u taagan yihiin nabadgalyada magaalada islamarkaana aan la ogalaan doonin in khamri lagu iibiyo Garoowe.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa maalmihii dambe howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo qaarkood baro cayiman lagu beegsanayay ka fulinayay magaaladaasi Garoowe.

Hoos ka daawo sawirrada:

kham2 khamri-garoowe

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada