U bood dhigaalka

Ciidanka Puntland Oo Gudaha U Galay Qandala

Sheeko:Dalka

Kooxda Daacish ee qabsatay dhowaan degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa la soo sheegayaa inay isaga baxeen degmadaasi.

Saraakiisha ciidanka Puntland oo maanta la hadlay saxaafadda magaalada Boosaaso ayaa xaqiijiyay in magaalada ay gudaha iminka u galeen ciidankii Puntland ee shalay dhoobtay duleedka Qandala.

Wariyaha Goobjoog News ee gobolka Bari ayaa soo sheegaya in weli ay adag tahay isgaarsiinta magaalada Qandala oo weli xun.

Ciidamada Puntland ayaa howlgallo ka wada magaalada Qandala waxaana saraakiisha Puntland ay ka gaabsadeen inta ay sii socon doonaan howlgallada.

Warar aan la hubin balse ka imaanaya dhinaca Qandala waxay sheegayaan in kooxdii hubeysnayd ay aadeen dhulka buuraleyda ah ee isla Qandala.

Qoysas badan oo Qandala deganaa ayaa isaga barakacay colaaddani darteed.

Goobjoog News