U bood dhigaalka

Ciidanka Xasilinta Banaadir: Dad iyo Hub Ayaa Ku Soo Qabanay Howl-gallo Aan Ka Sameynay Banaadir Iyo Shabeellada Hoose

Sheeko:Dalka

Sarkaal ka tirsan ciidanka xasilinta Banaadir oo goordhaw la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay ka sameeyeen gobollada Banaadir iyo Shabeellada hoose illaa Dhawr iyo Toban hawlgal, ayna kusoo qabteen hub fara badan, Al-shabaab, mooryaan jidka taageen iyo ciidamo ka tirsan dowladda.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa intaa raaciyay In  ujeedka hawgallada ku sheegay labo arrin: shabaabka hubeysan ama aan hubeysneeyn iyo dadka qaska ku haaya magaalada oo sida sharci darrada ah u isticmaala hubka.

Dhinaca kale, waxaa uu sarkaalka ka hadlay in si wanaagsan ay socdaan hawlgalldooda,  magaaladana hadda laga dareemay isbaddel dhanka ammaanka, tan iyo markii ciidankan gaarka u ah caasimadda la sameeyay.

Mar aan wax ka weydiinay sida laga yeelayo dadka hubka lagu qabto waxaa uu sheegay in  go’aanka ah ciida mudan in la xiro, ama hubka laga qaado ay qaadanayaan saraakiisha sarsare ee Nabad sugidda.

Ganacsatada iyo qof kastoo hasyta hub sharciyeysan oo wasaaradda amniga ka diiwaan gashan  ayuu sheegay in hawl galkaan uusan quseyn, sidoo kale masuuliyiintii hore ee dowladda ayaan sidoo kale ka mid ahayn dadka hubka laga aruurinayo isaga oo  meesha ka saaray in uu jiro khilaaf hadda kala dhaxeeya masuuliyiin horay dowladda ugu soo shaqeyyay oo la xariirta arrinta xasalinti Caasimadda.

Dhammaan guryaha ayaan sidoo kale bartilaameed ahayn, kaliya markii laga reebo kuwa faramuuqa ah iyo kuwa xog laga hayo.

Ugu dambeyn sarkaalka ayaa sheegay in qofkii shacab ee hubkiisa ku wareejiya dowladda isla markaana aan xiriir lalaheyn falal amni darro ay la macaamili doonaan, isla markaana baddalkeeda ay dowladdu bixin doonto.

Goobjoog News