
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa xoogga dalka ayaa waay howlgallo ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan waddooyin isku xira B/weyne, Maxaas iyo Matabaan.
Maxamed Nuur Cagajoof oo ah afhayeen u hadlay maamulka Hiiraan ayaa sheegay in ay ciidanka xoogga dalka dileen in ka badan 30 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.
Waxa uu sheegay Afhayeenkan in ciidamada sidoo kale ay burburiyeen baro ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno ka mid ah gobolkaasi.
“Ciidamada waxay dileen dagaalyahanno Al-shabaab oo ka badan 30, waxaan furnay waddooyin badan, kuwo kalena waa lagu socdaa” ayuu yiri Afhayeen Cagajoof.
Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal howlgalladan la sheegay in looga dilay dagaalyahannadan, balse ciidanka xoogga dalka ayaa maalmahan dambe howlgallo amni sugis ah ka wada Hiiraan.
Goobjoog News