U bood dhigaalka

Ciyaaryahanada Hirshabeele Oo Cabasho Ka Ah Garoomo La’aan Haysta

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaartooyda iyo macallimiinta ka dhisan Maamulka Hirshabeele ay cabasho ka ah garoomo la’aan haysata,iyagoo sheegay in Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya ay ka gaabisay wax u qabashada dhamaan garoomada ciyaaraha Maamulkaas.

Qaar ka mid ah ciyaaryahanadii hore,dhallinyarada iyo macallimiinta Hirshabeele ayaa nasiib xumo ku tilmaamay garoomo xumida Hirshabeele,waxayna maxda Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeele ugu baaqeyn in wax laga qabato cabashadooda iyo baahida garoomo la’aanta.

Xiriika Kubbadda Cagta Degmada Baladweyne ayaa warbaahinta u sheegay in wasaarada Ciyaaraha Dowladda iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaliya ay ka gaabiyeen wax ka qabashada garoomada kubbadda cagta guud ahaan maamulka Hirshabeele.

Sidoo kale dhallinyarada ayaa Raysal Wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka dalbaday in uu wax ka qabato cabashooda,maadam uu horay lacago ugu deeqay dhib u dhiska garoomada kubbadda cagta Maamulada Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Puntland.

Si kastaba baahida garoomo la’aanta Hirshbeele ayaa soo jirtay in mud ah,balse dhallinyarada waxa ay jawaab ka sugayaan ganacastada,siyaasiinta iyo dadka ka soo jeeda maamulkooda.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Gaoomo La’aanta Hirshabeele 

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Mawduucyada:Hirshabeelle