U bood dhigaalka

Coldoon Oo Dib Loo Siiyay Xoriyaddiisii!

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla magaalada Hargaysa ayaa saakay waxaa ay sii daysay wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon, kaas oo saakay maxkamadda la horgeeyey, waxaana horay sidaan oo kale uu uga soo muuqday maxkamadda Coldoon.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa xeer ilaalinta ka dalbaday in ay soo dhamaystiraan cadeymaha kiisaska lagu soo oogay wariyaha, xeer ilaalinta ayaa dhankeeda racfaan ka qaadatay go’aanka maxkamadda ay kusoo baxay.

Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa dhowr jeer kazoo muuqday maxkamadda dhowr jeer, waxaana loo haystaa warar uu ka qoray Iskuull lagu magacaabo Abaarso oo ku yaalla magaalada Hargaysa.