U bood dhigaalka

Cosoble Oo Isku Soo Sharaxay Kursi Ka Mid Ah Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle, Cali  Cabdullaahi Cosoble ayaa magaalada Jowhar u gaaray si uu uga qeybgalo doorashada kursi ka mid ah golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Cosoble ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay qabashada kursigan, sababtuna wuxuu ku sheegay inuu yahay shaqsi wax u qaban kara beesha uu kasoo jeedo.

“Sida aad la socotaan waxaan musharrax u ah kursiga xildhibaanka ee beesha aan kasoo jeedo, haddii uu Alle idmo ergadii iyo dadkii oo dhan wey joogaan, waxaan rajeynayaa iney cadaalad u dhacdo, waxaan rajeynayaa in umadda qofkii dan u ah kursigaasi qabto, xilkaan inaan u imaado waxay ka dhalatay talo iyo soo jeedin dad badan oo beesha ah, in la shaqeeyo waa loo baahan yahay” ayuu yiri Cosoble.

Maalmaha soo socda ayaa la rajeynayaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada kursi kamid ah golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana u tartamaya illaa Lix musharrax.

Goobjoog News