U bood dhigaalka

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dillaacay Deegaanno Ka Tirsan Shabellaha Dhexe

Sheeko:Caafimaadka

Wararka laga helayo deegaanka Maandheere oo ku dhaw degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inuu halkaasi ka dillaacay cudurka shuban biyoodka kaasi oo dad badan ay la il daran yihiin.

Dad gaaraya 20 qof ayaa la il daran cudurkaan, kuwaasi oo aan haysan dawooyin ku filan.

Aweys Xasan Aadan oo ah gudoomiyaha deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka la xanuunsan cudurkaan Shuban biyoodka ay aad u adagtahay xaaladooda caafimaad lagana yaabo hadii aysan dawo helin in naftooda halis gasho.

Jiilaalka jira ayuu sheegay inuu sababay in dadka ay ku adkaato helitaanka biyo nadiif ah, sidoo kalena aan xilligaan la heli karin gurmad caafimaad oo degdeg ah.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Shabellaha Dhexe iyo hay’adaha samafalka ah in deegaankaasi ay la gaaraan gurmad caafimaad iyo mid Biyo.

Wabiga Shabelle ayaa biyo yareeyay dhammaan deegaannada uu ka maro dalka, waxaana jira cuduro la sheegay in ay ka dhasheen biyo yar oo ku haray deegaanada uu wabiga marayey.

Goobjoog News