U bood dhigaalka

Culimada Gaalkacyo Oo Baaq u Diray Beello Isku Haya Bariga Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ugu baaqay beello isku haya bariga gobolkaasi, waxaana dhinacyadaasi kula dardaarmeyn iney ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida.

Sheekh Jaamac Cabdi oo kamid ah culimadan ayaa sheegay in hadda aanu cidna dan ugu jirin dagaal dhaca, balse loo baahan yahay in laga fogaado wax walbo oo dadka kala geyn kara.

“Waxaan ugu baaqeynaa haddii aanu nahay culimadii gobolka Mudug in la joojiyo dagaallada iyo xiisadaha kale ee ka jira deegannada ku yaalla bariga gobolka, waxaan u sheegeynaa dhinacyada is haya in dagaal aanu cidna dan ugu jirin, waa in la joojiyaa wax socda, lagana wada hadlaa” ayuu yiri Sheekh Jaamac.

Ugu dambeyn Sheekh Jaamac ayaa sheegay in iyaga iyo waxgaradka gobolka Mudug ay ku bixi doonaan xiisaddan laga soo sheegayo deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Goobjoog News