U bood dhigaalka

Culimada Mudug Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Barakacayaasha Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Culimada gobolka Mudug ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladd Federaalka iney u gurmadaan barakacayaasha ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Culimadan ayaa raashiin ay shacabka Soomaaliyeed kasoo uruuriyeen waxay gaarsiiyeen mid kamid ah kaamamka Barakacayaasha ee ku yaalla Gaalkacyo, iyadoo ay soo dhoweeyeen arrintan dadkii wax loo geeyo.

Waxay sheegeen culimadan in loo baahan yahay in aan lagu tashan gacmo shisheeye balse loo istaago sidii qof walba wixii uu hayo wax uga siin lahaa walaalihiisa baahan.

“Shisheeye wuxuu inoo keenayo oo muddo la sugayo waxaa ka wanaagsan annaga oo isku tashanna, u istaagna sidii aan u kaalmeyn lahayn walaalaheen una heli lahaayeen gurmad raashiin ah si ay Afur uga dhigtaan” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah culimada gobolka Mudug.

Dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Gaalkacyo, gaar ahaan duleedka magaaladaasi ayaa u badan qoysas kasoo barakacay deegaannada fog ee Mudug, kuwaasi oo xoolo dhaqato ahaa, balse ay xoolahoodii ku dhaafeen abaarta dalka ka jirta.

Guud ahaan barakacayaasha Soomaaliyeed ayaa xilligaan u baahan gurmad dhan walbo leh, maadaama lagu guda jiro busha barakeysan ee Ramadan.

Goobjoog News