U bood dhigaalka

C/weli Gaas “Caqabado Baa Ka Hor Imaan Doona Hirgelinta Doorashooyinka Xorta Ah Ee Puntland”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta furay geeddi socodka doorashooyinka axsaabta badan ee Puntland ayaa sheegay in ay jiri doonaan caqabado badan oo kahor imaan doona howlaha la xiriira hirgelinta doorashooyinka Dadban.

Wuxuu sheegay Gaas in muhiim ay tahay in  waqti badan la geliyo nidaamka doorashooyinka xorta ah, islamarkaana Puntland ay hadda ka guureyso nidaamkii qabiilka ahaa.

Guddi ku howlan ka shaqeynta arrimahasi ayuu sheegay in looga baahan yahay iney dhabarka u xirtaa culeys walbo oo ay la kulmaan, maadaama waqtiga harayna yahay Labo Sano.

“Waxaan u baahannahay in waqti badan aan gelinno howlaha doorashooyinka iyo in sida uu yahay wax uga hirgalaan, waxa la haysto waa Labo Sano iyo Labo Bilood, waa inaan ku talo galno howlaha yaalla ee tirada badan iyo waqtiga oo kooban, ma ahan shaqo kaliya dowladda u taallo ee waa inaan ku talo galno in waqtigaasi ku qabanno, waana rajeynayaa arrintaasi, wixii dhankeena nalooga baahan yahayna inaan kasoo baxno baa nalaga rabaa, Caqabado baa kahor imaan doona hirgelinta doorashooyinka xorta ah, balse ma ahan inaan niyad jabno markaan aragno caqabadahaasi” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii watey ayaa sidoo kale yiri “Puntland nidaam qabiili ah bay ka guureysaa, oo waxay u guureysaa nidaam dimoqraadiyad ah, micnaheedu ma ahan wax walbo wey wanaagsanaanayaan, dimoqraadiyadda laftiguudu wax walbo oo loo baahan yahay lagama helo”

Nidaamka xisbiyada badan ayaa hadda la doonayaa in laga hirgeliyo Puntland, islamarkaana shacabka ay soo doortaan cid walbo oo ay doonayaan.

Goobjoog News