U bood dhigaalka

C/weli Gaas Oo Shacabkii Ka Barakacay Waqooyiga Gaalkacyo Ugu Baaqay Inay Soo Laabtaan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabkii ka barakacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo inay dib ugu soo laabtaan magaaladaasi, ka dib heshiis laga gaaray dagaalladii dhacay.

Gaas oo mar saxaafadda kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Nabadda ay ka shaqeynayaan, islamarkaana shacabka uu u sheegayo inay dhamaatay colaadii ka jirtay Gaalkacyo.

Waxa uu tilmaamay in shacabka ay hadda si caadi ah xaafadahooda ku imaan karaan, islamarkaana ka maamul ahaan ay fulin doonaan dhammaan qodabadii lagu heshiiyay.

Heshiiskii ay gaareen Puntland iyo Galmudug waxaa ku jira qodob ku saabsan in dib loo soo celiyo dhammaan dadkii ka barakacay Gaalkacyo.

Nabadeyn ayaa ka socota Gaalkacyo, iyadoo hadda ay si rasmi ah isku fahmeen Labadii Maamul ee ku dagaallamay magaaladaasi, ka dib dadaal ay sameysay dowladda Federaalka, maamul goableedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo sidoo kale xubno ka mid ah beesha caalamka.

Goobjoog News