U bood dhigaalka

Daad Xiray Guud Ahaan Ganacsigii B/weyne

Sheeko:Dalka

Daad la sheegay inuu kasoo rogmaday dalka Itoobiya ayaa sababay inay xirmaan guud ahaan ganacsigii magaalada B/weyne sidoo kalena ay barakacaan dad shacab ah.

Daadkaan ayaa saameeyay dhammaan Afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada B/weyne sida uu soo sheegayo Wariyaheena Khaalid Ilka Case.

Wararku waxay tilmaamayaan in shacabka ku dhaqan magaallada Baladweyn ay billaabeen inay ka barakacaan guryahooda.

Waxaa la damiyey dhammaan Korontadii magaalada B/weyne, dukaamadii ganacsiga iyo suuqayadii iyaguna waa kuwo xiran.

Xaafadda Howlwadaag oo dagaallo xoogan ay ka socdaan ayaa shacabkii ku sugnaa aanay awoodin inay barakacaan, waxaana dushooda ka socota rasaas culus, halka daadkuna uu saameeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News