U bood dhigaalka

Daadad xooggan oo ku dhuftay Qardho

Sheeko:Dalka

Roobab xooggan oo sababay in ay daadad ka dhashaan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay degmada Qardho ee maamulka Puntland.

Daadadka oo ku soo baxay xaafadaha iyo waddooyinka magaalada ayaa sababay in ay dad badan ku go’doonsamaan gudaha xaafadaha qaar ee magaalada.

Khasaaro u badan maaliyad ayaa ka dhashay roobabka afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Qardho.

Dadka qaar ayaa goobaha halista ah looga soo badbaadinayay gaawarida cagaf cagafta, waxaana weli la soo warinaya in xaafadaha qaar ee magaalada ay ku go’doonsan yihiin dad fara badan.

Wixii war ah ee ku soo kardha warkaan kala soco Goobjoog News