U bood dhigaalka

Daahir Geelle Oo Ka Haray Tartanka Madaxtinimada Dalka

Sheeko:Dalka
Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ahaa musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu isaga haray tartanka oo lagu wado in berri la qabto.
Geelle ayaa kamid ahaa musharixiintii mudada dheer u taagneyd qabashada xilkaan, waxaana sidoo kale uu ahaa afhayeenkii midawga musharixiinta xilka madaxweynaha.