U bood dhigaalka

Dab Dhaliyey Khasaare oo Ka Kacay Guri Ku Yaalla Xaafadda Howlwadaag Ee Baladweyne

Sheeko:Dalka

Dab oo xoogan oo khasaare hantiyadeed dhaliyey ayaa waxaa uu maanta ka kacay guri ku yalla xaafadda Howlwadaag ee magaalada Ba;adweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana markii dambe lagu guulaystay in la damiyo dabka kacay.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu socday daqiiqado dhowr ah, waxaana uu gabi ahaan uu baabi’iyey gurigii uu ka kacay, kaas oo ka samaysnaa Jiingado iyo Alwaax, walow aan lasoo warin khasaare nafeed oo ka dhalatay dabka ka kacay.

Guriga ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen caruur yaryar, markii uu dabku kacay, waxaana dadkii soo gurmaday ay sheegeen lasoo badbaadiye, waxaa la sheegayaa in dabku uu ka bilowday koronto guriga ku jirtay sida dadku ay sheegeen.

Korontada ku jirta xaafadaha iyo goobaha gacansiga  ayaa waxaa inta badan ka dhashay Dab, kaas oo sababa khaasaare nafeediyo hantiyadeed oo soo gaarta dadka shacabka ah, waxaana khaladaadka korontadu noqotaa misd soo laalaabata.

Goobjoog News