U bood dhigaalka

Dabaaldegyo Maanta Ka Socda Somaliland (18 May)

Sheeko:Dalka

Deegaannada Somaliland ayaa maanta looga dabaaldegayaa munaasabad waqtigeeda laga soo hormariyey oo ah maalintii ay sheegeen iney ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Sababo lagu sheegay 18-ka May iney kusoo beegmayso Ramadan, ayaa munaasabaddii maalintaasi la qaban jirey waxaa loo soo wareejiyey maanta oo ah 15- May.

Ammaanka guud magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo guud ahaan xarumaha ganacsiga iyo goobaha waxbarashaduna aanay shaqeyneyn.

Hargeysa ayaa lagu arkayaa ciidamo badan oo lagu soo daadiyey waddooyinka, waxaana lagu soo waramayaa in wadada Wadnaha ee magaaladaasi ay gaado ka ciyaar kusoo bandhigi doonaan ciidamada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa jeedin doona khudbad ku aadan maalintaan, inkastoo weli aanu jirin dal aqoonsi ay Somaliland ka heshay mudada 27-ka sano ee ay sheegeen in Soomaaliya ka madaxbannaan yihiin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News