U bood dhigaalka

Dabageed “Ciddii Isoo Weerarta Waan Iska Difaacayaa” (Wareysi)

Sheeko:Dalka

Guddoomiyahii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo uu sheegay inuu hareer maray dastuurkii u yaallay maamulkaasi.

Wuxuu sheegay Dabageed in wax walbo oo ka dhaca B/weyne uu mas’uul ka noqon doono madaxweyne Waare, lagana wareysan doono arrimahaasi.

Shaqsi ahaan ayuu sheegay inuusan duulaan ku ahayn halka uu magaalada B/weyne kaga sugan yahay madaxweynaha Hirshabelle, isagana haddii lasoo weeraro uu is difaaci doono, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale, dabageed ayaa sheegay in xilkan aan looga qaadin si sharci ah, islamarkaana shacabka gobolkaasi ay ka tashadeen maamulka Hirshabelle.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News