Dabaylo Ku Dhuftay Garoowe Oo Sababay Dhimashada Hal Qof

Dabaylo xooggan oo saacadihii ugu dambeeyey ku dhuftey magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sababay dhimasho iyo burburka guryo badan.

Hal qof oo ka mid ahaa dadkii ku xoolo beelay abaarihii ku dhuftay Puntland islamarkaana qoyskiisa uga xamaalan jiray Garoowe ayaa ku dhintey dabaylahan kadib markii uu kusoo dumay guri dhagax ah oo uu jiifay.

Ninka dhintey ayaa lagu magacaabayey Maxamuud Saciid Ganaase, iyadoo ehladiisa ay sheegeen in uu ifka kaga tagay Afar carruur ah iyo hooyadood.

Dabaylahan ayaa sidoo kale burburiyey guryo badan oo ku yaalla magaalada Garoowe, balse khasaare nafeed kale lama soo sheegin.

Dadka ku sugan magaalada Garoowe ayaa cabsi ka muujinaya dabaylahan wata roobka oo ka socda magaaladaasi.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW