U bood dhigaalka

Dad Kasoo Barakacay Abaar Oo Raashiin Loogu Qeybiyey Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Qoysas badan oo kasoo barakacay abaaraha ka jira deegaanno kamid ah gobolka Sool ayaa deeq raashiin ah loogu qeybiyey deegaanka  Kalbardaaley, iyadoo raashinkan loo qeybiyey qof walba oo kusoo barakacay deegaankaasi.

Sheekh Saciid Cadare oo kamid ah guddiga gurmadka abaaraha ee gobolka Sool ayaa u sheegay warbaahinta in raashinkan ay siiyeen in ka badan 200 oo qoys, islamarkaana dadku ay ka faa’ideysteen.

Waxa uu tilmaamay in dadka raashinka loo qeybiyey qaarkood ay kasoo barakaceen gobolka Sanaag, halka dadka qaarka ay ka yimaadeen baadiyaha gobolka Sool.

“Waxaan u mahacelineynaa qurbejoogta iyo shacabkii kaalinta ka qaatey in raashiinkan lasoo gaarsiiyo dadka walaalaha ah ee abaarta ku hayso gobolka Sool, qoysas gaaraya 200 ayaa ka faa’ideystay, waxaana leeyahay halkaan kasii wada dedaalkiina” ayuu yiri Sheekh Saciid.

Dhinaca kale qaar kamid ah shacabkii ka faa’ideystay raashiinkan ayaa u mahadceliyey cid walbo oo iska soo uruurisey, waxaana ay kusii baaqeen in loo badiyo gurmadka sidan oo kale ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada