U bood dhigaalka

Dad Ku Sumoobay Raashin Ay Cuneen Gobolka Sool

Sheeko:Caafimaadka

Afar qof oo ahaa beeraley ku nool deegaanka Dalyare oo 30 Km dhanka waqooyi ka xiga magaalada Laascaanood ayaa ku sumoobay raashin ay cuneen iyadoo  Afartaa ruux loola cararay cisbitaal xaaladooda caafimaad oo xumaatay darteed.

Galabnimadii shalay ayaa gurmad uu u fidiyey maamulka magaalada Laascaanood waxa Afartaa ruux oo Saddex dumar yihiin la soo gaarsiiyey cisbitaalka Manhal ee magaalada Laascanood, halkaas oo lagula tacaalayo hadda xaaladooda caafimaad.

Maamulaha cisbitaalka Laascaanood Maxamed Yuusuf oo ka warramay xaaladda Afartan qof ayaa sheegay iney Labo ka mid ah liidato, kuwaasi oo aad ugu sumoobay cuntada  ay cuneen oo loo badinayo iney ahayd cunto aan daboolneyn taasi oo bahallo xamaarato ahi ay suntooda u gudbiyeen waxaanu sheegay in arrintan oo kale ay horey ula soo daristay Labo ruux oo xoola dhaqato gobolka Sool ka tirsan, kuwaasi oo muddo ka dib lagu guulaystay daweyntooda.

Ehellada Aftartan qof oo hal qoys isku ah ayaa sheegay iney subaxnimadii shalay cunto ay si wadajir ah u cuneen ay ku sumoobeen iyaga oo Afartoodiiba halkii ku dhacay illaa gaariga gurmadka degdegga ah uga yimaaddo oo cisbitaalka u qaado.

Suntan oo bahda caafimaadku ay ku tilmaamaan mid waxyeello u geysnaysa qaabka caadiga ah ee uu u shaqeeyo jirka qofka, ayaa sababta khatar dhimasho inkasta oo ay jirto dawooyin jirka ka sifaynaya oo ka mid ah tan hadda dadkan daweyntooda loo adeegsanayo  sida uu sheegay maamulka cisbitaalku.

Goobjoog News