U bood dhigaalka

Dad u Badan Haween Iyo Caruur Oo Ku Geeriyooday Dagaal Ka Dhacay Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in dagaal uu dib uga qarxay deegaano dhanka baadiyaha ah, kuna yaalla gobalka Galgaduud, gaar ahaan deegaanada ku dhaw dhanka xuduuda Itoobiya.

Dagaallada ayaa ah kuwo aad u xoogan, waxaana wararku ay tilmaamayaa in dad u badan Haween iyo Caruur ay halkaasi ku dhinteen.

Ku dhawaad 40 qof ayaa la sheegay in dagaalladaan ay ku dhinteen, waxaana meelaha ugu daran ee lagu dagaallamayo la sheegayaa Balli-dhiig, waxaana suurta geli la in dadka waxyeeladu soo gaartay lasoo qaado.

Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa sheegaya in Saakay Weerar ay ku soo qaadeen deegaanadaasi Ciidamada New Police ayna ku dileen ilaa 37-ruux oo isugu jirta haween iyo Caruur iyo Qaar ka mid ah Rag hubeysan oo ka horjeeda Ciidamadaasi.

Xubnoka mid ah waxgaradka Gobolka galgaduud oo tagay qaar ka mid ah deeganada ay dagaaladu ka socdaan ayaa sheegay in ay adag tahay xaaladda deegaanada ay dirirtu ka taagan tahay iyadoo ay jiraan dad ku xayiran goobta dagaalka oo Caruur iyo haween u badan sida uu sheegay nabadoon Cabdi Cali Nuur oo u waramay Goobjoog News.

Illaa iyo haatan ma jirto xal muuqda oo lagu joojinayo dagaalladaan, waxaana maamulka gobalka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya ay ku baaqeen in shuruud la’aan dagaalka lagu joojiyo.

Goobjoog News