U bood dhigaalka

Dadka Shaqeeya Ee Ku Sugan Deegaannada Galmudug Oo Lagu Amray Iney Is Diiwaangeliyaan

Sheeko:Dalka

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha maamulka Galmudug ayaa farriin u dirtey dhammaan shaqaalaha ku sugan deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

Wasiirka wasaaraddasi Maxamed Cabdullaahi Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqey dhammaan shaqaalaha ka howlgala deegaannada Galmudug in sida ugu dhaqsiyaha badan isku diiwaan geliyaan si loola socdo waxyaabaha ay qabanayaan.

Waxa uu tilmaamay in ay soo dhameystireen dhammaan shuruucda shaqaalaha, qof walbana looga baahan yahay iney qaataan warqadda shaqaalo-nimada, islamarkaana aysan shaqo heli doonin cid aan diiwaangishaneyn.

“Qof walba waa inuu qaataa warqadda caddeynta shaqaale-nimada, qofna shaqo ma heli doono isaga oo aan haysan warqaadda shaqaalenimada, shaqaalaha dowladda iyo kuwa kale waxaa laga doonayaa iney is diiwaangeliyaan, qofkii aan warqaddaasi qaadan hadana shaqeynaya waxaa loo arkayaa inuu yahay qof musuq ku yimid, waxaan caddeynaynaa in hay’adaha amniga ay ka shaqeyn doonaaan iney la xisaabtamaan ciddii shaqeynaysa misane aan haysan warqadda aqoonsiga” ayuu yiri wasiirka.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee maamulka Galmudug ayaa waddey maalmahan dambe qorsheyaal ay ku ballaarineyso xafiisyadeeda shaqada, waxayna xarumo badan ka furatay wasaaradda deegaanno ka tirsan Galmudug.

Lama oga sida ay suurtagal ku noqon doonto xilligaan in dhammaan dadka shaqeeya ee ku sugan deegaannada Galmudug ay si sahal ah ku goostaan warqadda caddeynta shaqaalenimada.

Goobjoog News