U bood dhigaalka

Dagaal Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya inuu ka dhacay dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagaalka ayaa salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana la soo sheegayaa in malleeshiyooyin kala taabacsan labo beel uu dagaalka u dhaxeeyo.

Dadka degaanka waxay sheegeen in dagaalkani uu ka dhacay inta u dhaxeysa degaannada Nambar Konton iyo Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta la og yahay illaa hadda waxaa ku dhintay dagaal beeleedka illaa seddex qof waxaana dhaawacmay dad intaas ka badan.

Xaaladda ayaa deggan degaannada lagu dagaallamay ee NO 50 iyo Bariirre inta u dhaxeysa waxaana warar ay heshay Goobjoog News ay sheegayaan in dagaalka ay qeyb ka qaateen ciidamo ka tirsan dowladda.

Dagaal beeleedyada u dhaxeeya malleeshiyooyinka hubeysan ayaa caadi ka ah gobolka Shabeellaha Hoose kuwaasoo illaa iminka aan laga gaarin xal buuxa oo lagaga gudbayo soo noqnoqoshada dagaalladani.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada