U bood dhigaalka

Dagaal beeleed maalintii labaad ka socda deegaanno hoostaga goblka Shabeellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dagaal beeleed maalintii labaad ka socda qaar kamid ah deegaannada hoostaga degmada Walanweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkaan ayaa salka ku hayo dhulbeereed ku yaalla deegaanno kaabiga ku haaya degmada Walanweyn, waxaana la soo warinaya in khasaaro kala duwan uu ka dhashay dagaalka.

Shaqaaqada labada beel oo bilaabatay gelinkii dambe ee shalay ayaa soo gaartay illaa iyo maanta, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeriyooday 8 qof, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacantay dagaalka.

Deegaannadaan ayaa la sheegay in muddooyiin dhowr ah ay ku soo noqnoqdeen dagaallada u dhaxeeya beelaha wada dega deegaannada hoostaga degmada Walanweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobjoog News