U bood dhigaalka

Dagaal Dib Uga Bilawday Deegaanno Ka Mid Ah Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya Liyuu Boolis iyo dad ku dhaqan deegaanada xiga Xuduuda dalka Itoobiya uu dib uga bilawday deegaanadii horay loogu dagaallamay.

Dagaalkaan ayaa saaka dib u bilawday ka dib markii dhawaan la hakiyay, waxaana lagu soo waramayaa in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Nabadoon Cali Cabdulle oo ka mid ah Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in dagaalka saaka dib u qarxay uu ka dambeeyay ka dib markii ciidamada Liyuu Boolis ay dib usoo qaadeen weerarka.

“Dadkii shacabka ahaa oo iska jooga ayaa dib waxaa ugu soo laabtay ciidamada Liyuu Boolis, ciidan badan ayeey isku soo uruursadeen shacabka ayeey leynayaan, waxa ay wadaan waa xasuuq iyo gumeysi, dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqeynaa in ay soo fara geliso dagaalladaan” ayuu yiri Nabadoonka.

Dagaaladaan ayaa noqday kuwo iska soo daba laabtay, welina lama oga khasaaraha maanta ka dhashay dagaalka oo weli socda awgeed, iyadoo xaaladana ay tahay mid kacsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News