U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Afmadow, Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, kaasi oo khasaare geystay.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ay dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka Jubbaland ku lahaayeen degmadaasi.

Ugu yaraan Hal qof ayaa dagaalkaasi ku dhintey Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen sidey inoo xaqiijiyeen goob joogayaal.

Wararka ayaa waxay sidoo kale sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab  ay Hoobiyeyaal kusoo garaaceen xaafado ka mid ah degmada Afmadow, balse lama soo sheegay wax khasaare ah oo ay  geysteen.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ee gobolka Jubada Hoose kama aanay hadalka dagaalkan, xaaladuna waa ay deggan tahay.

Goobjoog News