U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Buuloburde Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa lagu soo waramayaa in maanta uu ka dhacay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen xarun ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmadaasi, waxaana jira khasaare kala duwna oo dagaalkan ka dhashay.

Waxaa hawada ka maqan isgaarsiintii degmadaasi, iyadoo aan la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyhay.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internet waxay ku sheegeen in dagaalkaasi ay dhowr jiho ka qaadeen, islamarkaana ay guullo ka gaareen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News