U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Gobolka Bakool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in nawaaxiga degmada Tiyeeglow ee gobolkaasi uu ka soconayo dagaal xooggan,  kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda iyo kuwa K/galbeed, kuna sii jeeday degmada Tiyeeglow ayaa la sheegay iney jidka u galeen dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana la isku adeegsanayaa rasaas culus.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee dadka ku dhaqan Tiyeeglow ayaa sheegaya iney maqlayaan rasaas aad u xooggan.

Saraakiisha ciidanka dowladda iyo maamulka gobolka Bakool weli  wax faah faahin ah kama aanay bixin dagaalkan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News